Xog ku aadan Qaabkii Jawaari iyo Ciidamadii uu watay ku galeen Xarunta Baarlamaanka

Ciidamo badan oo isugu jiray Milatari iyo dhar cad uu watay Gudoomiyaha Baarlamaanka  ayaa saakay gudaha u galay xarunta Golaha shacabka , xili lagu wargaliyay Gudoonka  iyo Xildhibaanada in wax hub ah aan lala soo gali karin xarunta Golaha shacabka .

Amaanka xarunta Baarlamaanka iyo Xildhibaanada soo galayay waxaa si weyn u adkeenayay ciidamo katirsan dowlada oo loogu tala galay, waxa ayna Saraakiisha amaanka ay horey uga digeen in wax hub ah lala galo xarunta Golaha shacabka.

Xarunta Golaha Shacabka ayaa mar qura lagu dhax arkay ciidamo aad u badan kuna hubeesan qoryo u badan nuuca Soomaalida u taqaan Dabo Jeex iyo kuwa dhar cad oo biskoolado wata  oo la socda Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo gudaha ugu jiray xarunta Golaha Shacabka ayaa durba ka argagaxay ciidankan gudaha usoo galay xarunta Baarlamaanka, waxa ayna Xildhibaanada qaar bilaabeen in xarunta ka baxaan si aan loo dhibaateen.

Sida aan xogaha ku heleyno Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo ciidamada la socda ayaa xarunta Baarlamaanka kasoo galay dhinaca Radio Muqdisho  halka Xildhibaanada kale ay ka galayeen dhinaca taalada Sayidka.

Jawaari iyo ciidamada uu watay oo ahaa kuwa aad u hubeesan ayaa qaab lug ah ku galay xarunta Baarlamaanka, waxaana ciidaman oo ahaa kuwa aad u feejigan ay gudaha u galeen xarunta Golaha shacabka halka kuwa kalana ee fuuleen qeybta sare ee xarunta.

Goobta ay Gudoomiye Jawaari iyo Ciidamada la socday kasoo galeen ayaa la sheegay in aysan joogin ciidamo badan maadaama dhinaca Madaxooada xigto, waxaana ciidanka xoogooda la dhigay Wadooyinka kale ee soo gala xarunta Golaha Shacabka.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in ciidankan uu watay Jawaari ay u badnaayeen ciidamo cusub oo isugu jiray Milatari iyo dhar cad, waxa ayna sheegeen in ay wateen qoryaha daran dooriga u dhaca iyo biskoolado badan.

Gudoomiye Jawaari iyo Ciidamadii uu watay ayaa sabab u noqday in uu baaqdo kulankii la filayay in maanta yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka kadib markii Xildhibaanada ka argagaxeen Ciidamada xarunta la wareegay.

Xarunta Golaha shacabka ayaa markii dambe lagu kala tagay, waxaana Xildhibaanada qaar iyaga oo careesan kana xumaa habdhaqanka Gudoomiyaha Baarlamaanka dib ugu laabteen guryahooda ay kasoo jarmaadeen saakay aroor hore.

Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada gaartay meeshii ugu xumeyd kadib markii ay gaartay in Baralamaanka xaruntiisa lala galo ciidamo hubeesan oo khal khal galiyay amaanka Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -