Jubbaland oo soo saartay go’aan kale oo ka dhan ah dowlada federaalka Somalia

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay hakiyeen xiriirkii wada shaqeyneed ee ay la lahaayeen hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan ayaa sheegay inay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii hay’adaha dowladda ay la lahaayeen, kadib qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

“Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dawligga ah in la hakiyo wada shaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda federaalka” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo isku dayaya inuu xaalada qaboojiyo ayaa 17 ilaa 18 bishan shir deg deg ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, si looga xaajoodo tabashooyinka ay qabaan.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay ka dib shirkii Sabtidii ina dhaaftay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbalada Hoose, shir ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada oo shaaciyey inay hakiyeen xiriirkii dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -