Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsanaa Kooxda Islamik Jihad oo saakay la dilay (Daawo Sawirada)

Diyaaradaha dagaalka Isra’il ayaa saakay duqeyn ku dilay sargaal sare oo katirsan kooxda Islamik Jihad ee ka dagaalanta dhulka Falastiin, waxaa weerarkan sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.

Guri uu magaaada Gaza ka degnaa Bahaa Abu el-Atta, oo 42-sano jir ahaa ayaa lagu dhuftay gantaal, waxaana la xaqiijiyay in goobtaasi ku dhintay sargaalkan katirsanaa kooxda Islamik Jihad.

Weerarka dhinaca cirka ah ee lagu dilay sargaalkan katirsanaa kooxda Islamik Jihad ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo dhinac ka degnaa guriga gantaalka ku dhufteen ciidamada Isra’il.

Maamulka Isra’il ayaa ku eedeeyay ninkan ay dileen in uu katirsanaa kooxda Islamik Jihad oo Isra’il sheegtay in Iiraan taageerto, waxa ay sidoo kale Isra’il ku eedeesay Abu Al-Atta in uu maleegay weeraro lagu qaaday Isra’il.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Marwo Seynab Xaabsey oo ku deeqday 50 booyadood oo biyo ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan bax weyn oo lagu soo dhaweenayo Cabdirashiid Janan oo ka socda Baled Xaawo

Cabdi Cade

Xildhibaan Caana-nuug oo ka hadlay sababaha guuldaradiisa iyo cida uu eersaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---