Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Dhul sabab u noqday in la xiro Cumar Shariif (Daawo Sawirada)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay xarun la sheegay in loo dhisayo in lagu diwaan galiyo  qaxootiga dalka dib ugu soo laabtay.

Dhulkan uu dhagax dhigay Duqa Muqdisho ayaa la sheegay in milkiyadiisa la isku heesto murana uu horey uga taagnaa, waxaana dhulkan  murankiisa sabab u noqday in la xiro Gudoomiyihii Degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg.

Gudoomiyihii degmada Xamar Weyne ayaa horey u sheegay in dhulkan uu yahay mid ay shacab lee yihiin maamulka gobolka Banaadirna uu wado musuq maasuqa, waana mida keentay in shaqada laga joojiyo Gudoomiyaha kadibna la xiro.

Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa la sheegay in dano gaar ah ka leeyahay dhagax dhiga dhulkan muranka ka taagnaa, waxaana talaabadan uu ku dhaqaaqay Yariisow ka xumaaday waxgaradka degmada Xamar Weyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray doorashadii maanta ka dhacday Puntland

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Axmed iyo waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Suuqa Cajiibka ah ee Gabdhuhu ka iibsadaan raga ay guursanayaan !!(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---