Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka dalka Kenya oo xilka ka qaaday Madaxweyne kuxigeenka Kenya

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalka Kenya , ayaa caawa xil ka qaadis ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenkii dalkasi Rigathi Gachagua, kaddib markii loo codeeyay mooshin laga gudbiyay.

Mooshinka xilka looga qaaday Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua , waxaa u codeeyay 281 xildhibaan , halka ay kasoo horjeesteen 44 xildhibaan , kuwaa oo kamid ahaa taageerayaasha Madaxweyne kuxigeenka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Kenya Moses Wetangula , ayaa shaaciyay in mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne kuxigeenka uu meel maray ,sidaasi awgeedna Rigathi Gachagua laga xayuubiyay jagadii uu Qaranka Kenya u hayay.

Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Kenya , ayaana loo gudbinayaa mooshinkan xilka looga qaaday Madaxweyne kuxigeenka Kenya , kuwaa oo go’aanka ugu dambeeya ee xil ka qaadista leh.

 

Related posts

Maamulka Gedo oo ka hadlay wararka sheegaya dagaal saaka ka dhacay Belad-xaawo

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Mushaharkii ka jaray Wasiiradiisa, amarna ku bixiyey in laga qaado gaadiidka

Caydiid Ali

Militariga Itoobiya oo shaaciyey mudada ay ku soo afjarayaan qabashada Makelle

Caydiid Ali