Gudoomiye Maxamed Mursal la kulmay khubaro ka socotay UNDP (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BaarlamaanKa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta la kulmay khubaro ka socotay Hay’adda UNDP.

Nihaad Hussein oo ah Lataliye sare oo dhinaca Farsamadda ee Hay’adda UNDP ayaa Sharaxaad Ka bixisay Wada shaqeynta ay la leeyihiin Barlamaanka iyo guud ahaan Guddiyadiisa u qaabilsan Shuruuc Dejinta.

“Waxaan Rajeyneynaa In aan Xoojin Doono Taageeridda aan Mar Waliba La Garab Taaganahay Golaha Shacabka Si Ay Meel Wanaagsan U Mariyaan Howlaha Horumarinta Dalka Soomaaliya,” ayay Tiri Mss NIHAAD

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Amb: Maxamed Mursal Sheikh Abdirahman Ayaa Uga Mahad Celiyay UNDP-da Kaalinta Wanaagsan oo ay Ku Leeyihiin Shaqadda ay Baarlamaanka u Hayaan Umadda Soomaaliyeed.

” Runtii Waan Idinku Bogaadinayaa sidaad Dhinacyadda Farsamadda Iyo Fududeyntaba aad Kala Shaqeysaan Guddiyadeena Barlamaanka, haddii aan nahay hoggaanka Barlamaanka, Waxaan Mar waliba jecelnahay sidii aad noogala shaqeyn lahaydeen in dalkan uu Kasoo Kabsado dhinacyadda Loo Baahan yahay In La iska Kaashado Si Wada Jir ah In Looga Howl Galo”,ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Sidoo kale,Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in si dhow isaga kaashan doonaan Hay’adda UNDP Howlaha ay ka taagaaraan Golaha shacabka,wuuna uga mahad celiyay.

Hay’adda UNDP ayaa qeybo Kamid ah Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Ka Taageerta Arimo kala duwan ay kamid yihiin  Farsamadda, Sharciyadda Barlamaanka Iyo Howlahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -