Ciidamo Milatari ah oo isku bedelay Taraafiko iyo Shacabka Muqdisho oo la yaaban !!

Ciidamada Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada loogu magac daray 14-ka October ee ka howlgala qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay qabtaan shaqo aan tooda aheyn una xil saarnaayeen ciidamo kale.

Ciidamadan oo ka howlgala Muqdisho qeybo kamid ah ayaa bilaabay goobaha ay joogaan in ay dadka weediiyaan leesin iyo buuga lahaanshaha gaadiidka, waxa ayna ciidankan dadkii ay ka waayaan ku sameenayaan xayiraad.

Shacabka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa aad ula yaabay ciidanka Milatariga ee qabanaya shaqada Taraafikada, waxa ayna shacabka isweediinayaan in shaqada in ay qabtaan amar lagu siiyay ama ay iskood u wataan.

Ciidamadan oo si gaar ah ugu sugan Isgooska Kuliyada Jaalle Siyaad ayaa dadka ay sii deenayana xujo uga dhigaya in ay wataan Leesin , buuga baabuurta ama aqoonsiga dowlada, waxa ayna qofkii ay ka waayaan in mudo ah ku heynayaan laamiga.

‘’Ciidamada Taraafikada uga baranay in leesin iyo buug na weediiyaan, hada waxaa soo kordhay ciidankan Milatariga ee jooga Kuliyada oo dadka weediinaya Leesin iyo buug , Milatarigii miyaa taraafiko isku bedelay mise wax kale ayaa jira’’ Ayuu yiri mid kamid ah shacabka Muqdisho.

Ciidamada taraafikada ayaan inta badan ka howl galin wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana taraafikada lagu arkaa kaliya laamiga Maka Al Mukarama halka wadooyinka Muqdisho qaarkood lagu arko gaalinka hore maalintii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -