Diyaarad ku bur burtay Koonfurta Sudan iyo dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirada)

Diyaarad ay saarnaayeen 22 qof oo rakaab ah ayaa ku bur burtay dalka Koonfurta Sudan, waxaana shilkan diyaaradeed ka dhashay khasaaro u badan  dhimasho ah oo soo gaaray rakaabkii diyaarada saarnaa.

Inta la xaqiijiyay diyaarada bur burtay waxaa ku dhintay 19-qof ,waxaana ku dhaawacmay sadex qof oo kale, waxaana diyaaradan ka duushay magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan iyada oo kusii jeeday magaalada Yirol.

Wasiirka Warfaafinta Koonfurta Sudan  Taban Abel ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in shilkan diyaaradeed ay ku dhinteen 19-qof oo u badnaa dad u dhashay Koonfurta Sudan, waxa uuna xusay in dadka dhintay sidoo kale ay ku jireen ajaaniib.

Taban Abel ayaa sheegay in sadex qof uu ku jiro dhaqtar u dhashay dalka Talyaaniga ay ku dhaawacmeen shilka diyaaradeed , waxa uuna xusay Wasiirka in dadka bad baaday ee dhaawacyada qaba ay ku jiraan labo caruur ah.

Dowlada Koonfurta Sudan ayaan wali shaacin waxa sababay shilkan diyaaradeed, waxa ayna dowladu sheegtay in ay socdaan baaritaano ay laamaha dambi baarista wadaan oo ku aadan shilkan diyaaradeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -