Daawo Sawirada: Hogaamiyaha Ururka Ginbot 7 oo si weyn loogu soo dhaweeyay Adis Ababa

Waxaa maanta magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya si weyn loogu soo dhaweeyay Hogaamiyihii Ururka Mucaaradka Ginbot 7 , oo mudo ka badan 10-sano ka maqnaa dalka Itoobiya.

Berhanu Nega oo ah Hogaamiyaha Ururka Ginbot 7 ayaa magaalada Adis Ababa waxaa kusoo dhaweeyay taageerayaashiisa, waxa uuna Hogaamiyahan uga mahad celiyay taageerayaashiisa iyo dowlada soo dhaweynta weyn ay u sameeyeen.

Hogaamiyahan Mucaaradka Itoobiya kamid ahaa ayaa ka faa’iideestay isbadalka cusub ee ka curtay dalka Itoobiya, waxaana Ururka uu hogaamiyo ee Ginbot 7 dhawaan laga saaray liiska argagaxisada.

Itoobiya waxaa ka dhacay isbadalo waa weyn oon horey loo fileyn, waxaana dowlada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed albaabada u furtay Ururada Mucaaradka kuwaa oo qaarkood wadahadalo la furay Dowlada uu Hogaamiyo Abiy Ahmed.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -