Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal oo kulan xasaasi ah la qaatay Madaweynaha K/Galbeed (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa xalay Hoygiisa Ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen

Kulankooda ayaa looga hadlay arimo la xiriira Siyaasadda Dalka waxaana ugu muhiimsanaa arimaha Doorashooyinka iyo Guud ahaan Siyaasadda Dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrimaha laga wada hadlay ay ku jirto qaabkii loo sii deyn lahaa Mukhtaar Roobow oo horey uga soo goostay Al-shabaab haatana u xiran DF ka dib markii uu isku soo taagay doorashadii hogaanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee magaalada Muqdisho u jooga ka qeyb galka shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee la filayo inuu maalmaha soo socda ka furmo Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney loo heesto dilka Najmo Cabdullahi Macallin oo la xiray Maxkamadna lasoo taagayo

Cabdi Cade

Maraykanka oo Kuuriya woqooyi u balan-qaaday Barwaaqo, haddii ay fuliso shuruud kaliya

Caydiid Ali

NISA oo qabatay Shabakad sameysa dollar been abuur ah & Xildhibaan ku lug yeeshay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---