Dhallinyaro Soomaali iyo kuwo kale oo lagu qabtay Ka-Ganacsiga Mukhaadaraadka

Booliska dalka Finland ayaa soo bandhigay shabakad dembiilayaal caalami ah oo lagu tuhunsan yahay inay dalkaasi soo geliyaan, kana ganacsadaan noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha (Mukhaadaraadka).

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in 30 dembiile oo ka soo jeeda 10 waddan in loo xiray ganacsiga daroogada, halka ay booliska Finland ku raad joogaan 17 eedeysane oo baxsad ah.

Booliska dalka Finland waxay kaloo shaaciyeen inay muddo dhowr bilood ururinayeen warbixino sirdoon, taasi oo sahashay inay eedeysanayaashaasi ku qabtaan 100 Kiilo garaam oo daroogo ah iyo lacag kaash oo dhan 240,000 oo Euro (€240,000) oo u dhiganta 252,000 oo US Dollar ($252,000)

Warbixinta baarayaasha boliska Finland waxaa lagu xusay inay dembiilayaasha u adeegsadeen gawaarida xamuulka inay ku soo daabulaan in ka badan 300 Kiilo garaam ee daroogada nooca halista ee Kokaa’iin (Cocaine), xashiish iyo kaniiniga noocyada amphetamines iyo ecstasy pills .

Dhanka kale, eedeysanayaasha lagu qabtay hawlgalka ka dhacay dalka Finland waxaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan dalalka kala ah:

1- Sweden,
2- Somalia,
3- Serbia,
4- Norway,
5- Iraq,
6- Ukraine,
7- Kosovo,
8- Türkiye
9- Finland iyo
10- The United Kingdom (UK).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -