Ciyaartoy horey caan uga ahaa dunida oo loo doortay Madaxweyne (Daawo Sawirro)

George Weah oo ah Ciyaartoy hore oo kubbada cagta dunida caan ka noqday ayaa la shaaciyey inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee ka dhacday Liberia.

Masuuliyiinta Guddiga doorashada ee dalka Liberia ayaa sheegay in codadka la tiriyay uu ku guuleystey George Weah codad gaaraya 61.5%.

Joseph Boakai oo ahaa musharaxa la tartamay ayaa helay codad gaaraya 38.5%, waana codad aad u hooseeya marka la eego codadka uu guusha ku helay Madaxweynaha cusub George Weah oo 51 sano jir ah.

Ellen Johnson Sirleaf oo ah haweeneydii ugu horeysay ee si dimuqraadi ah loogu doorto dal ka tirsan qaarada Afrika ayaa la filayaa iney xilka ku wareejiso George Weah, iyadoo haweeneydan aysan ka qeyb gelin tartanka doorashada.

Dabaaldegyo la xiriira Guusha Madaxweyne Weah ayaa hareeyey Magaalada Monrovia ee caasimada Liberia markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada.

BBC abaalmarinteedu waxay ahayd mid ka mid ah kuwo badan oo George Weah uu ku guuleystay 1995 asagoo sidoo kale abaal marino ka helay Afrika iyo Yurub iyo Caalamka oo dhan waxaana Liberia ay noqotay wadanka qura ee Afrikanka ah ee helay abaal marinta sharafta leh ee FIFA.

Weah sanadkii 1995 wuxuu noqday laacibkii ugu goolasha badnaa ciyaaraha Champions League. Wuxuu sidoo kale ku guuleystay isla sanadkaa 1995 inuu kooxda wadankiisa ee Lone Star uu gaarsiiyo tartanka qaarada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -