Madaxweyne muddo labo jeer ah afgembi ku qabsaday xukunka oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry John Rawlings ayaa dhintay isagoo 73 sano jir ah sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya caasimadda dalkaas ee Accra.

Jerry John Rawlings ayaa ku dhintay isbitaalka ka dib muddo gaaban oo uu xannuusanaa.

Rawlings ayaa lagu xusuustaa in isagoo ka tirsan ciidammada cirka Ghana uu agaasimay laba afgembi sanaddii 1979 ka hor inta uusan xilka ku wareejinin dowlad rayid ah laba sano ka dib.

Wuxuu madax u ahaa kooxda milatariga ee dalka u horseeday doorashooyinka axsaabta badan sanaddii 1992 markaas oo madaxweyne loo doortay .

Jerry John Rawlings ayaa xilka ka dagay 2001 ka dib markii uu laba muddo xileed dalka maamulayay, waxaana dalka Ghana looga dhawaaqay baroordiiq qaran, iyadoo calanka dalkaas hoos loo dhigay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -