Mustafe Cagjar oo arrin yaab leh ku amaanay Abiy Ahmed & caro ka dhalatay

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Cagajar ayaa si weyn ugu amaanay dowlada Itoobiya ee uu Hoggaamiyo RW Abiy Ahmed iney garan u tahay muslimiinta dalkaas.

Hadalka Mustafe ayaa yimid xili Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ay ka taagan tahay shaqaaqo u dhaxeysa booliiska dalkaas iyo dad muslimiin ah oo ka ka gadoodsan burburinta masaajiddo ay dowladu waddo

“Taariikhda Itoobiya dawlad Muslimiinta dalku ay ka heleen xorriyadda diimeed, xuquuqaha siyaasadeed, muujinta(shacaacirta) diintooda inta ay ka heleen Dawladda uu Hoggaamiyo RW Abiy Ahmed iyo Xisbiga Barwaaqo ma jirto” ayuu yiri Mustafe Cumar.

Dhowr goobood oo ay Muslimiintu ku cibaadeystaan oo ku yaalla bannaanka magaalada Addis Ababa ayaa la burburiyay bilihii la soo dhaafay, tanoo qeyb ka ah qorshaha magaaleynta ee lagu muransan yahay, kaasoo caro ku abuuray Muslimiinta dalkaas.

“Way haboon tahay in laga gilgisho wixii dhibaatooyin ah ee la soo darsa Muslimiinta balse in laga been sheego xaqiiqda jirta ama la dafiro wixii wanaag ah ee jira maaha. Waa in wax walba si waaqici ah loo wajaho. Waan ka tacsiyeeynaynaa shuhadada dhibtu soo gaadhay. Waan qaadanaynaa doorka nagaga aadan in ayna dib u dhicin arimihii sababay dhibaatada” ayuu yiri Mustafe Cumar oo hadalkiisa caro badan ku abuurauy Soomaalida iyo muslimiinta kale ee dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -