Muuse Biixi oo fariimo culus u diray madaxda dowlada Somalia iyo Mucaaradka

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay dowlada Somalia iyo xubnaha mucaaridka ah inay faraha kala baxaan arrimaha Somaliland, isagoo farriimona u diray shaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee xilalka ka haya DF.

Biixi ayaa gef cad ku tilmaamay in madaxda iyo mucaaradka Muqdisho isku raacsan yihiin in dad Banaadir ka dhex xoogsada ay noqdaan Baarlamaan metela dadka reer Somaliland,

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu Soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quuraysaan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in shaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee Xamar joogaa kaliya halkaas u joogaan inay kasoo shaqaystaan, xoolahooda iyo maalka ay soo helaanna ay Somaliland kula soo noqdaan,

“Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa u shaqo-tegeyna waxay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay u soo shaqaysanayaan, kuwooda ugu waaweyn ee ugu shaqada badana, iyagoo Muqdisho jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan.” ayuu yiri Biixi

Madaxweynuhu waxa uu farriin gaar ah u diray xubnaha Somaliland ee ku jira DF, isagoo caddeeyey inaanay halkaas cidna ku metelin. “Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan baad sii abuuraysaan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -