(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Masuuliyiinta heyadaha Socdaalka ee Somalia & UK?

Ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Somalia Cabdifataax Cumar Ibraahim (Shaawey) oo safar shaqo ku jooga London ayaa kulamo la qaatey madax ka tirsan xafiiska socdaalka UK iyo kan laga bixiyo dukumentiyada safarka.

Booqashada ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee UK ayaa qeyb ka ah kulamada sanadlaha ah ee ay yeeshaan heydaha Socdaalka Soomaaliya iyo kan Britain.

Waxaa kulamadan  xoogga lagu saaraa iskaashiga dhinaca socdaalka iyo Baasaboorka Soomaaliya.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii muwaaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu safri lahaayeen Baasaboorka Soomaaliga ah oo haatan wadamo badan oo caalamka ah laga aqoonsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -