Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhagax dhigay dhismaha xarunta Q/M ee Dhuusomareeb (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenka erygeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta Qarammada Midoobay. ee Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa sheegay in maamulkiisa dadaal badan ku bixiyay in magaalada Dhuusomareeb laga hir-geliyo dhismo ay leedahay kuna shaqeeneyso Qaramada Midoobay

Qoor Qoor ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in dadaal dheer kadib maamulkiisu ku guuleesto in Dhuusomareeb laga dhagax dhigo xarumihii hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ku shaqeyn lahaayeen.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaan xarumo rasmi ah ku laheyn magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug , waxaana xaruntan marka la dhiso xafiisyo ka dhigan doona hay’adaha Qaramada Midoobay oo hadda ku shaqeeya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah 

Cabdi Cade

Cumar Filish oo daah furay Telefishin cusub oo ku hadlaya codka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---