Xildhibaannada golaha Shacabka oo dood adag ka yeeshay Mooshinka muddo kororsiga

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta dood adag ka yeeshay ,mooshinka muddo kororsiga loo sameenayo muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kulanka xildhibaannada golaha shacabka maanta uga doodayeen mooshinka muddo kororsiga waxaa guddoominayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka xildhibaan Cabdullaahi Abshirow .

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ayaana si adag uga dooday mooshinka muddo kororsiga, waxa ayna xildhibaannada isugu jireen kuwa taageersanaa mooshinka iyo xildhibaanno kale oo kasoo horjeeda muddo kororsiga.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa mooshinka la horkeenay ku tilmaamay mid sharci darro ah oo horgal u ah muddo kororsi, waxa uuna cadeeyay in ay uga soo horjeedaan muddo kororsigan sidii ay u diideen kii dowladdii Farmaajo.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo isna mooshinkan ka hadlay ayaa sheegay haddii ay baarlamaanka aqbalaan muddo kororsiga uu magacooda ku ijaafoobayo, waxa uuna qalad ku tilmaamay habraaca loo maray mooshinkan oo waqtigiisu dhacay.

“Mooshinkan maanta naloo keenay waxa uu yeelay afar bilood; waqtigiisu wuu dhacay mana mudna in maanta laga dooda, saxna ma ahan habraaca loo maray. Mooshinkan waxa uu horudhac u yahay waxyaabo la rabo in lagu ijaafeeyo Xildhibaanada oo laga dhigo in ay muddo kororsi raadinayaan” ayuu yiri Xildhibaanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna kamid ah xildhibaannada mooshinkan ka dooday ayaa sheegay in madaxweyne  Xasan Sheekh isaga oo diidan muddo kororsi nafsadiisa halis u gashay, waxa uuna sheegay in Xasan laga yeeleyn waxii uu isagu horey u diiday.

Xildhibaanno kale oo kulanka ka hadlay ayaa iyana si weyn u taageeray mooshinka muddo kororsiga, waxa ayna xildhibannadaasi qiil u sameenayeen in dalka laga hir-gelinayo doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -