Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo daah furay Telefishin cusub oo ku hadlaya codka G/Banaadir (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay Daah furay Telefishin cusub oo ku hadlaya codka maamulka Gobolka Banaadir.

Telefishinkan oo loo bixiyey (Banaadir-TV) ayaa ka mid nqonaya Telefishinada gaarka ah ee ku hadla afka Maamulada Dalka ka jira ee Qeybta ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Waxaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar isla xalay lagu qabtay Munaasabad lagu xusaayay Sanadguuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii uu xilka Guddoonka Gobolka Banaadir qabtay duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Munaasabadaan oo ay kasoo qeybgaleen Marti Sharaf kala gedisan oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Madaxda Maxkamadaha Gobolka Banaadir iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa inta badan lagu soo bandhigaayay waxqabadka labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Maaliyadda & Maamulka G/Banaadir oo lagu eedeeyey wax isdaba marin

Caydiid Ali

Duqa magaalada Muqdisho oo Hanjabaad culus hawada marsiiyay

Cabdi Cade

Faahfaahino ka soo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali