Imtixaan ay u fariisteen 31,688-Arday oo maanta Muqdisho ka bilowday (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanaadka Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir oo ay maanta u fariisteen 31,688-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u xogwareestay qaar kamid ah ardayda maanta u fadhiistay qaadista imtixaanadka Dugsiyada Dhaxe isaga oo u rajeeyay in uu Alla SWT u fududeeyo imtixaanka islamarkaana ay natiija wax ku’ool ah ka keenaan.

Aggaasimaha guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir Dr Abdifitah Bare ayaa faahfaahiyay howlaha la xariira qaadista Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in sanadkii 4aad uu gobolku qaadayo imtixaanka oo ay maanta u fadhiisteen 31,688-arday oo isugu jira 17,751-Lab iyo 13,937-Dheddig kuwaas oo ka kala socday 76 xarumood iyo 1,592 fasal kuwaas oo dhamaantood katirsan Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -