Madaxweyne Farmaajo oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowlada uu hogaamiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in siyaasiyiinta Mucaaradka ay la yimaadeen dhaqan xumo siyaasadeed, waxa uuna tilmaamay in mucaaradku yahay kuwa wax saxa oo dhisa balse aysan aheyn mucaarad kuwa wax dumiya .

”Waxaa jirta dhaqan xumo siyaasadeed oo runtii la garaneyn qofkan siyaasiga waxa uu u yaqaan mucaaradan iyo dumin, mucaaradku waa wanaagsan yahay in la kala fikir duwanaado oo qaladaadka la sheego lana raaciyo xalka” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo siyaasiyiinta mucaaradka ay yihiin kuwa doonaya in wax dumiyaan oo la abuuro qalalaase siyaasadeed, waxa uu sidoo kale xusay in siyaasiyiinta bilaabeen in ay u dacwoodaan beesha caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay jirto fara galin shisheeye inkastoo uusan shaaca ka qaadin cida fara galinta ku heyso dowladiisa, hadana waxaa hadalka Madaxweynaha u muuqdaa mid lagu durayo qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka.

“Dumin ayaa jirta, marka laga hadlayo dowladnimada geedka jirida in laga gooyo oo xasillooni loo diiro oo la bilaabo qalalaase siyaasadeed oo dowladda dhan in la bedelo oo inta Beesha Caalamka loo tago lagu dacweeyo taasi dumin weeye, caqabadaha na heysta ayay ka mid tahay, faragelin shisheeye ayaa jirtay tan iyo muddooyinkii dowladnimada burburtay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili magaalada Nairobi shirar aysan dowlada Federaalka door ku laheyn ay ku yeesheen Sadex kamid ah Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Wakiilo ka tirsan beesha Caalamka .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -