Allbanaadir.com
NEWS

Safaaradii Itoobiya ku laheyd Asmara oo 20-sano kadib dib loo furay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay Safaaradii dowlada Itoobiya ku laheyd magaalada Asmara ee Caasimada dalka Eritrea , kadib markii labada dal heshiiyeen dibna usoo celiyeen xiriirka dhinaca diblumaasiyada.

Munaasabada dib loogu furayay Safaarada Itoobiya ku leedahay magaalada Asmara waxaa ka qeyb galay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha dalka Eritrea  Asaias Afwerki.

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka heshiiyay colaadii u dhaxeysay mudo 20-sano ah, waxa ayna labada dowladood dib u furteen safaaradihii ay ku kala lahaayeen Asmara iyo Adis Ababa.

Eritrea ayaa sidan oo kale horey iyana uga furatay magaalada Adis Ababa Safaaradii ay ku laheyd, waxaana labada wadan sidoo kale bilaabeen duulimaadkii tooska ahaa ee u dhaxeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

179 Maxbuus oo laga sii daayey Xabsiga Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaale oo shaaciyey hal arrin oo uu ku bixiyay waqtigiisa ugu badan

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Nasiib daro ku tilmaamay carqaladeynta Farmaajo ku hayo Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---