Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

179 Maxbuus oo laga sii daayey Xabsiga Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii daysay tiro Maxaabiis, kuwaasoo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiyo kale ka sii daayay maanta 179 maxbuus kuwaasoo Madaxweynaha uu u fidiyay Cafis Munaasabadda Ciidul fitriga Awgeed.

Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Maxaabiista maanta laga sii daayay xabsiyada ay ku xukunaayeen dambiyo yar yar.

Waxaa uu tilmaamay in Maxaabiista intii ay xabsiga ku jireen la baray Waxyaabo ay kamid yihiin Farsamada gacanta, dhismaha, toliinka dharka, sameynta agabka guryaha iyo xafiisyada iyo qaar kale si ay ugu shaqeystaan marka ay dhex galaan bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay u mahad celiyey dowladda Iran

Caydiid Ali

Taliye sare oo katirsanaa kooxda Daacish oo nolol lagu qabtay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxa ATMIS, Saraakiil iyo safiirka Uganda oo booqday Ciidan Al Shabaab dhaawaceen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---