(Daawo Sawirro) Madaale oo shaaciyey hal arrin oo uu ku bixiyay waqtigiisa ugu badan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay Madal lagu soo bandhigaayay (SAAMEYNTA UU MAANDOORIYAHA KU LEEYAHAY DHALINYARADDA IYO BULSHADA GOBOLKA BANAADIR). Daraasadan ayaa waxaa sameeyay Xarunta Hiil oo kaashaneysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Amniga XFS Dr. Maxamed Axmed Doodishe, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Cilmi-baare Axmed Maxamed Xuseen, ayaa si weyn u falan-qeeyay dhibaatada Maandooriyaha uu ku haayo Bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo Saameynta dhinaca Amniga, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhankiisa ka hadlay madasha ayaa sheegay in waqtigiisa ugu badan uu ku bixiyay La-dagaalanka Maandooriyaha, si bulshada Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhalinyaradda Caasimadda loogu badbaadiyo dhibaatada Maandooriyaha.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu sheegay in Diinteena ay na fareyso in lala dagaalo Maandooriyaha oo iyadu sababta Amni darro, Anshax xumo iyo in qofka istecmaala maandooriyaha uu ka tago mabaa’dii fara badan oo qofka islaamka waajib ku ah. Waxaa uuna xusay in uu sii wadi doonno dagaalka ka dhanka ah Maandooriyaha si loo badbaadiyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Xildhibaano ka tirsan BFS, Agaasimeyaal ka tirsan Mamulka Gobolka Banaadir & Dowladda Hoose ee Xamar, Guddoomiyaha Dhlinyarada Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, qeybo ka tirsan Dhalinyaradda Gobolka Banaadir iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -