Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga sare (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700, kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.

Xukuumadda #DanQaran oo ahmiyad gaar ah siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada, ayaa dhawaan howlgelisay 3,000 oo macallim, waxaana ardayda Soomaaliyeed laga dhaafay dhaqaalihii ay ka qaadi jirtay hoon-nanbarka imtixaanadka dalka.

Related posts

Duqa Muqdisho oo kala hadlay Cabdalla Bin Saalim hir-gelinta Heshiisyo horey u dhacay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo laga codsaday in uu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Olole cusub oo caawa laga bilaabay Wadooyinka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---