Warbixino sirdoon oo dhowaan la helay ayaa muujinaya in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay xiriir la yeesheen Al-Shabaab ee Soomaaliya, iyagoo u diray qubaro ku takhasusay farsamada qaraxyada iyo hubka casriga ah.
Qubaro Xuutiyiin ah ayaa la sheegay in ay gaaren koonfurta Soomaaliya si ay u siiyaan Al-Shabaab tababarro ku saabsan diyaarinta iyo adeegsiga hubka culus, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo qaraxyada miinooyinka.
Xiriirkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid lagu xoojinayo awoodda Al-Shabaab ee gobolka, iyadoo la adeegsanayo khibradda Xuutiyiinta ee dagaalka iyo farsamada. Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in Iran ay qeyb ka tahay qorshahan, maadaama ay tahay taageeraha ugu weyn ee Xuutiyiinta.
Iskaashigan cusub ayaa khatar weyn ku ah amniga gobolka, gaar ahaan marka la eego suurtagalnimada in Al-Shabaab ay helaan hub casri ah iyo tababarro dheeraad ah, taasoo sare u qaadi karta weerarradooda gudaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.
Dowladda Mareykanka iyo dalalka gobolka ayaa si dhow ula soconaya xaaladdan, iyagoo ka baaraan-degaya tallaabooyinka laga qaadi karo si loo xakameeyo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.