Iran iyo Biljimka oo is dhaafsaday maxaabiis ay kala heesteen iyo dowlad Carbeed oo ka shaqeysay

Iran iyo Belgium oo is-dhaafsaday Maxaabiis

Shalay oo Jimco ahayd, dowladaha iran iyo Belgium waxay is-weydaarsadeen 2 qof oo ku kala xirnaa Xabsiyo ku yaalla Caasimadahooda, Tehran uyo Brussels.

Dowladda Oman ayaa waday Dhexdhexaadinta labada dal, si loo sii daayo Dibloomaasi Iiraani ah iyo Samafale u dhashay dalka Belgium.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Oman ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay dadaalkaasi, iyadoo Labada Maxbuus oo laga soo kala qaaday Brussels iyo Tehran la isku dhaafsaday Caasimadda dalka Oman ee Masqat (Muscat).

Maxbuuska Dibloomaasiga u dhashay dalka Iran oo lagu magacaabo Asadollah Assadi waxaa uu shalay galab dib ugu laabtay Tehran, iyadoo lagu soo dhaweeyey Marxabayn Geesinimo (A hero’s welcome).

Diblomaasiga oo 50 jir ah waxaa uu ahaa Hawl-Fuliyaha Safaarada Iran ku leedahay Caasimadda dalka Austria ee Vienna, waxa uu u xirnaa eedeyn ku aadan inuu qorsheeyey qarax lagu beegsan lahaa Isku-soo-bax ay Kooxda Mucaaradka Dibed-jooga ah ee Mujadiin al-khalaq ka dhigayeen meel ku dhow Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris biahii June 30-dii ee sanadkii 2018-kii.

Dhanka kale, Samafalaha Maxbuuska ee u dhashay dalka Belgium ee la sii daayey oo lagu magacaabo Olivier Vandecasteele waxa uu isla shalay galab ku laabtay Caasimadda dalkiisa Hooyo.

Waxa uu muddo 455 maalmood ku xirnaa Xabsiga weyn ee Caasimadda dalka Iran ee Tehran, iyadoo uu xirnaa tan iyo sanadkii hore ee 2022-kii.

Maxkamad ku taalla Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran waxay ku xukuntay 40 sano iyo 74 Jaydal oo Tacsiir ah, kadib, markii lagu soo oogay inuu Basaas iyo wada-shaqayn la lahaa Maraykanka, Xawilaad Lacageed iyo inuu si qarsoodi ah dalka Iran kala baxay lacag dhan 500,000 oo Dollar.

Si kastaba, Olivier Vandecasteele Vandecasteele haatan 42 jir ah waxa uu horey ula soo shaqeeyey Hay’ado Samafal oo Caalami ah tan iyo sanadkii 2006-dii.

Dalka Iran waxa uu joogay ugu yaraan 6 sano, isagoo la shaqeynayey Hay’adaha Samafalka, ka hor intaysan Hay’adaha Garsoorka Iran gacanta ku dhigin bishii February ee sanadkii hore ee 2022-kii.

W/Q Ustaad Nuradin

- Advertisement -