Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo kala hadlay Cabdalla Bin Saalim hir-gelinta Heshiisyo horey u dhacay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciim

Kulanka labada masuul dhax maray ayaa looga  wada hadlay arrima dhowr ah oo ay ka mid yihiin dargalinta heshiisyadii horey u gaareen Soomaaliya iyo Qatar oo ay ugu horeyso mataaneenta magaalooyinka Muqdisho iyo Doxa.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha dowladda Qatar kala hadlay dib u cusbooneysiinta mashaariicda lagu hor-marinaayo dib-u-dhiska Caasimadda, gaar ahaan dhismaha waddooyinka iyo kaabayaasha kale ee dhaqaale.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaana kaga mahad-celiyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna rejo ka muujiyay hir-gelinta heshiisyadii horey u dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Hirshabelle oo soo gebagebeysay doorashada kuraastii taallay Balad-weyne

Caydiid Ali

Weerar Khasaaro geestay oo toorey loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris

Cabdi Cade

Maxay Angela Merkel u diiday codsiga uga yimid Xoghayaha guud ee Q/Midoobay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---