Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo aya tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Spain.
“Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka” ayuu yiri Farmaajo oo soo saaray War saxaafadeedka hoos ku qoran.