Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo laga codsaday in uu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor u diray Warqad ay kaga codsanayaan in uu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta u taagan kuraasta Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa sheegay in lagu guda jiro waqtiga doorashada, ayna ka codsanayaan Madaxweynaha Galmudug inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

Codsigan Guddiga Doorashada heer dowlad goboleed Galmudug u direen Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kusoo aadeysa xili doorashada Aqalka sare ka bilaabatay Jubbaland sidoo kale beri la filayo in iyana ka bilaabato magaalada Baydhabo.

Halkan ka Akhriso Codsiga Qoor Qoor loo diray

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo kormeeray Bankiga dhexe & xarumo uu ka socdo dib u dhis (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muslimiinta Norwey oo ka carooday xayeysiis lagu faafiyey baraha bulshada

Caydiid Ali

Qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---