Maxkamad milatari oo loo gacan galiyay Siyaasiyiin iyo dad kale oo taageersanaa Imran Khan

Maxkamad kutaalla dalka Pakistan, gaar ahaan midda la saaro dadka loo heesto falalka argagaxiso ayaa ciidamada milatariga u oggolaatay in lagu wareejiyo maxaabiis u xiran abaabulka dibad baxyo rabshado watay.

Maxaabiiska lagu wareejiyay ciidamada milatariga oo gaaraya 16-nin ayaa katirsan taageerayaasha Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, waxaana xubnahan lagu soo eedeeyay in ay abaabuleen dibad baxyo rabshado dhaliyay oo ka dhacay Pakistan.

Waxaa lagu wadaa maxaabiistan in lasoo taago maxkamad gaar ah oo milatariga leeyihiin, waxaana loo maxkamadeenayaa doorkii ay ku lahaayeen mudaharaadadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalkaas, ka dib markii la xiray Ra’isul Wasaare hore Imran Khan.

Maxaabiistan lagu wareejiyay milatariga dalka Pakistan waxaa ku jira xildhibaan hore oo ka tirsan xisbiga PTI oo ah xisbiga ugu weyn dalkaasi, waxa uuna xildhibaankan kamid yahay dadka aad ugu dhaw Imaran Khan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa si kulul u cambaareeyay go’aanka milatariga loogu gacan geliyay taageerayaashiisa, waxa uuna xusay in lagu soo qaaday duullaan la doonayo in lagu bur buriyo xisbigiisa.

Xabsiyada dalka Pakistan ayuu sheegay Imran Khan in ay ku xiran yihiin in ka badan  10,000 oo katirsan shaqaalaha xisbigiisa ayna ku jiraan hoggaan sare, waxa uuna xusay in dadkaasi jir dil iyo dhibaatooyin kalaba loogu geesanayo xabsiyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -