Dad ciidamada AMISOM ku laayeen gobolka Sh/hoose oo la diiday in la aaso

Ehellada todobo qof oo shalay lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose kadib markii uu dagaal dhaxmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Uganda iyo kuwa Al-Shabaab ayaa maanta isku bax ka dhigay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qoysaska dadka la laayay ayaa ku eedeeyay ciidamada Uganda inay si bareer ah u dileen todobada qof oo ay dhamaantood ku sheegeen inay ahaayeen rayid aan waxba galabsan.

Waxay kaloo xuseen inaan la aasin doonin maydadka inta ay caddaalad ka helayaan dadkaas xaq darada lagu laayey.

Maydadka todobada qof ayaa hadda lagu hayaa qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer, iyadoo xalayna baaris loogu diray xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho.

“Dowladda waa inay kasoo jawaabtaa codsigeena, intaa umadda waxay maanta meeshan isugu timid waa in aan caddaalad helnaa..waxaan u soo banaanbaxnay oo aan meeshan u nimid meydka aan u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay” ayuu yiri Axmed Maxamuud Xaashi oo walaalkii kamid ahaa dadkii lagu dilay Golweyn.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay iney dadkan ka soo qabqabteen iyagoo jooga beerahooda, ayna ka dibna si fool xun u laayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -