Allbanaadir.com
NEWS

Qorax Madoobaadkii ugu xumaa mudo 375 sano ah oo laga arkay Latin America

Qorax madoobaad saacado kooban socday ayaa ka dhacay dalalka Waqooyiga Ameerika,  gaar ahaan Mexico, Mareykan iyo Canada.

Goobtii ugu horreysay oo laga arkay waxay noqotay magaalada xeebta leh Mazatlan ee dalka Mexico oo guud ahaan mugdi habeen oo kale ah gashay muddo 4 daqiiqo ah, xilli ay saacado maraysay 11 barqonimo iyo siddeed daqiiqo, tan oo la sheegay inay ka dhalatay markii dayaxu uu isku aadiyey qoraxda.

Xaaladan ayaa la sheegay in sidoo kale laga arkay Mareykanka gaar ahaan gobollada Texas illaa Maine galabnimadii maanta.

Mareykanka ,Canada iyo Mexico ayaa la sheegay in  81.9 % qoraxdu way qarsoontay 1:45 duhurnimo ilaa 4:21  galabnimo ee maanta xiliga maxaliga ah

Marka xigta ee la qiyaasayo in qorax madoobaad kan la m mid ah uu ka dhaco dunida waxay nqoon doontaa sanadka  2045.

Qorrax madoobaadkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu saameynta badnaa muddo 375 sano ah

Magaalooyinka qaar ee Maareykanka. Canada iyo Mexico  ayaa wada mugdi noqday malaayiin qof ayaana iskugu soo baxay jidadka iyagoo gashan ookiyaaleyaal loogu talo galay in lagu fiiriyo qorax madoobaadka si ay u daawadaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Heyadda ICG oo warbixin culus ka qortay doorashadii dhowaan ka dhacday Baydhabo

Caydiid Ali

Kenya oo ciidamo booliis ah u dirtay Dal ka baxsan Qaarada Afrika oo amni darro ka jirto

Cabdi Cade

Munaasabad xariga looga jarayo Garoonka Diyaaradaha Garawe oo hada socota

admin
Taboola Ads ---