Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Ugandha

Al-shabaab ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaaday saldhiga ciidamada Ugandha ee ka tirsanm ATMIS ku leeyihiin degaanka Buulo Mareer ee gobolka Sh/hoose

Goob joogayaal ku sugan gudaha magaalada Buulo Mareer sheegay inay arkayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo gaaf wareegaya bartamaha magaalada.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaadiid qaraxo laga soo buuxiyey oo lagu qaaday saldhiga ciidanka Ugandha oo ku yaalla duleedka degaanka Buulo Mareer, waxaana xigay weerar toos ah sida wararku nagu soo gaarayaan.

Ugu yaraan sedex qof oo rayid ayaa ku dhaawacmay dagaalka saaka ka dhacay Buulo Mareer, welina lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee hardamay.

Alshabaab waxay sheegeen inay cagta mariyeen saldhiga ciidamada Ugandha, isla markaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan Buulo Mareer.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada ATMIS iyo Dawladda Soomaaliya oo ku saabsan wixii saaka ka dhacay Buulo Mareer.

Xaalada degaanka Buulo mareer ayaa kacsan, iyadoo socodka dadka gaadiidka iyo ganacsigaba aysan shaqeyneyn, rasaas goos goos ah ayaana weli laga maqlayaa magaalada sida ay soo werinayaan dadka degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -