(Sawirro) Tirinta cododka Doorashadii ka dhacday Puntland oo si habsami leh u socota

Tirinta cododka Doorashooyinka qof iyo codka ahaa ee ka dhacday shalay qeybo ka mid ah Puntland ayaa bilaabatay xalay.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada abdirsaaq Ahmad said ayaa shaaciyay in loo Gudbiyay Tirinta codadka isagoona hoosta ka xariiqay in Nabad Galyo ay ku soo dhamaatay cod dhiibashadii.

Cod bixiye yaasha ayaa codeynta doorashada u dareeray shalay subaxnimadii iyadoo gelinkii dambe ee shalayna soo idlaatay.

Doorashada golayaasha deegaanka ayaa ka dhacday sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, inkastoo cabsi amni ay keentay in la hakiyo codbixinta deegaanada qaar oo ay ku jirto caasimada Puntland ee Garowe.

Doorashadan oo loogu tartamayo xubnaha golaha degaanka degmooyinka ayaa waxaa ku tartamay musharaxiin ka kala tirsan illaa 7 urur siyaasadeed oo ka dhisan Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan natiijada kama dambeysta bah iyo sida loogu kala guuleystay codadkii la dhiibtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -