Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo qaabilay Wafdi sare oo ka socday Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Kamel Badari iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wafdigan farriin iyo salaan ay uga sideen Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Aljeeriya Mudane Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay Madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhexgalka Qaaradda Afrika.

Related posts

Mid ka mid ah Xarumaha ugu Muhiimsan dowlada oo dib loo dhisayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Hub lagu soo qabtay howlgal oo lagu soo bandhigay Magaalada Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo magacaabay Guddiga Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---