Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Brunei oo gaaray heshiis iskaashi (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federalka Somalia Fardawso Osman Cigaal ayaa kulan la qaadatay Wasiirka Gaadiidka ee boqortooyadda Brunei Mudane Dato Seri Setia Shamhary.

Labada wasiir ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen iskaashi dhax mara labada Wasaaradood, sidoo kale ka wada shaqeeyaan fursadaha dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee labada waddan.

Kulanka labada wasiir oo ka dhacay magaalada Langkawi ee Malaysia, ayaa ku heshiiyay isla sidii khibrad wadaaga iyo tababarada labada Wasaaradood iskaga kaashan lahaayeen.

Dowladaha Soomaaliya iyo boqortoiyadda Brunei ayaan horey u laheyn xiriir iskaashi, lamana oga waxa uu soo kordhin doono heshiiskan cusub ee labada dal gaareen.

Related posts

Daawo Sawirada: Wasiir Ahmed Isse Awad oo xilkiisa si rasmi ah ula Wareegay 

admin

Burcad hubeesan oo lagu qabtay xaafad katirsan magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

C/hi Max’ed Nuur: “Suuragal maaha in ajende COVID-19 ah loo dalbado 200 oo Maleeshiyo ah”

Caydiid Ali