Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo mar kale qabtay Hub , rasaas iyo saanad ciidan (Sawirro)

Ciidanka amniga Soomaaliya oo howlgal qorsheesan ka wada xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen hub kala duwan ay ku jiraan, qoryo, qaraxyo iyo rasaas badan.

Saraakiisha ciidanka howlgalka wada hoggaamineysa ayaa sidoo kale sheegeen in ciidamada qabteen dharka ciidanka dowladda nuucyo kala duwan iyo agabyo kale oo ciidamada isticmaalaan.

Hubkaan iyo agabka kale ciidanka ee la qabtay ayaa waxaa lagu qariyay guri ku yaalla xaafada Tarabuunka, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku haya labo nin oo ku eedeysan in iyagu hayeen hubkan gacanta lagu dhigay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta gacanta ku dhigay gaari ,hub nuucyo kala duwan leh ,kaddib howlgal ay ka sameeyeen qeybo kamid ah degmada Hodan ee Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Raisul Wasaaraha oo shaqada ku waayay in uu saaxiib la’ahay Milkiilaha Allbanaadir Online(Yaab la arkay)

admin

Somaliland iyo Puntland oo maanta is dhaafsaday Maxaabiis dagaal (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo saakay socota iyo loolan xooggan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---