Maxaa Sababay in Kenya ay soo celiso dayuurad uu la socday Wasiirka amniga Somalia?

Dayuurad ay la socdeen Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa xalay laga soo celiyay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, iyagoo dib loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Warkan ayaa Allbanaadir.com u xaqiijiyey saraakiil ka tirsan Waaxda duulista hawada ee garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Wasiirka amniga gudaha ee Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey iney la socdeen dayuuradan, kuwaasoo howlo shaqo ugu socday dalka Kenya.

Masuuliyiinta garoonka Jomo Kenyatta ayaa la sheegay iney duuliyihii dayuurada ku wargeliyeen inuu dayuurada dib ugu celiyo Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta ay Kenya u soo celisay dayuuradan, kuwaasoo qaarkood sheegayaan in shirkadda iska laheyd dayuuradan ee Ocean la yiraahdo uu ka dhacay Aqoonsigii ay ku shaqeyneysay halka warar kalena ay tilmaamayaan inaysan jirin wargelin ku aadaneyd inay u safreyso Magaalada Nairobi.

Masuuliyiinta dowladaha Kenya ayaan ka hadlin sababta au u soo celiyeen dayuuradan, sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaan ka hadlin falkan oo ku soo aadaya xili labada dowladood ay horey u kala saxiixdeen heshiisyo lagu fududeynayo duulimaadyada u kala goosha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -