Booliiska Galmudug oo qabtay Nin lagu tuhmayo in ku lug lahaa Dilkii Xamdi Maxamed

Ciidamada booliiska Galmudug ayaa xalay saqdii dhaxe magaalada Cadaado ku qabtay nin dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in uu ku lug lahaa dilkii iyo kufsigii argagaxa lahaa ee magaalada Muqdisho loogu geestay Xamdi Maxamed Ibraahim.

Ninkan la qabtay oo ka baxsaday magaalada Muqdisho ayaa la tuhmayaa in uu ahaa ninkii shirqoolay Xamdi geeyayna Hotelkii kufsiga iyo dilka loogu geestay, waxaana ninkan uu baxsaday magaalada kadib markii booliiska baadi goob u galeen.

Taliye kuxigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneral Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidamada booliiska Galmudug qabteen Maxamed Ibrahim Cismaan, oo 24 sano jir ah oo lagu tuhmayo kui lug lahaanshiyaha kiiska kufsiga iyo dilka ee Xamdi Maxamed.

”Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib.” ayey tiri Jeneraal Zakiya.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa horey u xiray 11-qof oo ku eedeesan kiiska kufsiga iyo dilka loo geestay Xamdi Maxamed Ibraahim, waxaana booliiska dadka ay hayaan ku jira kuwa aad loogu tuhmayo in ay fulieen kufsiga iyo dilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -