Markab Itoobiya leedahay oo 20 sano ka dib ku xirtay dekedaha dalka Eritrea (Daawo Sawirro)

Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Itoobiya ayaa ku xirtay dekadda Eritrea ee Masawac 20 sano ka dib, sida ay Twitterka ku qortay warbaahin xiriir la leh dawladda.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada masuul ay bishii Luulyo kala saxiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Booqashadan ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dadaalka ay Itoobiya oo aan bad lahayn ku doonayso inay ku adeegsato dakadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000, kaasoo galaaftay tobannaan kun oo ruux.

Markabka ayaa ka yimid Sucuudiga, sida ay Twitterka ku baahisay warbaahin gaar loo leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -