Mid ka mid ah Gudoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo la xiray (Akhriso Sababta)

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa la soo sheegayaa iney xabsiga dhigeen guddoomiyihii degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Xamar-weyne ayaa allbanaadir.com u xaqiijiyey xariga guddoomiyaha inkastoo aysan faahfaahin badan ka bixin arrintan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in shaqadii looga joojiyey Guddoomiyaha degmada Xamarweyne iyadoo ka dibna xabsiga la dhigay.

Cumar Shariif Maye ayaa lagu eedeeyey inuu dhawaan sheegay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan  ugu masuqmaasuqa badneyd abid ee taariikhda dalka soo marta sidoo kale waxaa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyagu ka dambeeyaan sida lagu sheegay Warqada ka soo baxday Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Wararka qaar ayaa sheegaya in guddoomiyaha degmada Xamar-weyne lagu xiray xarunta dembi baarista booliska ee CID magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg ayaa ka mid ahaa gudoomiyeyaashii uu magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed gudoomioyihii hore ee gobolka Banaadir.

HOOS LA AKHRISO WAREEGTADA SHAQADA LOOGA JOOJIYEY CUMAR SHARIIF

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -