Dagaal iyo Duqeymo culus oo ka socda dalka Sudan xilli la gaaray Heshiis Xabbad joojin ah

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale oo katirsan dalka Sudan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay socdeen dagaalo culus oo u dhaxeeyay ciidamada milatariga iyo kuwa RSF.

Magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka dhaceen duqeymo culus , waxaana diyaaradaha dagaalka milatariga duqeymo badan ku garaaceen farriisimo ay leeyihiin ciidamada ay dagaalka kula jiraan.

Dadka ku sugan magaalada Khartuum iyo magaalooyinka kale ee labada dhinac ku dagaalamayaan ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen iyo duqeymo dhinaca cirka ah.

Dagaalka iyo duqeymaha saacadihii lasoo dhaafay ka socday qeybo kamid ah dalka Sudan ayaa imaanaya xilli wakiillo labada dhinaca ee dagaalmaya ku heshiis xabbad joojin muddo isbuuc ah in la dhaqan-geliyo.

Ciidamada milatariga iyo kuwa RSF ayaa marar badan gaaray heshiisyo xabbad joojin ah ,inkastoo inta badan heshiisyadasai aysan dhaqan-gelin ayna dagaalamayeen labada dhinac iyada oo heshiis la gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -