Waa Maxay ujeedada safarka Fahad Yaasiin ku joogo Magaalada Addis ababa?

Agaasimaha Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah nin galangal weyn ku leh jiheynta siyaasada dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho ku jooga magaalada Addis ababa.

Fahad Yaasiin ayaa ka mid ah wafdi uu horkacayo Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya Axmad Cawad oo booqanaya Magaalada Addis ababa kuwaasoo ujeedkoodu yahay iney Itoobiya kala hadlaan heshiiska Berbera iyo arimo kale oo ku xeeran xiriira labada dal.

Sida ilo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Wakaaladda Wararka Allbanaadir Fahad Yaasiin ayaa kulan qarsoodi ah xalay la qaatay masuuliyiin sare oo ka tirsan Itoobiya.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu wargaliyey Madaxda dowlada Itoobiya in dowlada aederaalku ogolaatay saamiga laga siiyey dekeda Berbera, isagoo taas bedelkeed u bandhigay Itoobiya iney dhexdhexaadiso dowlada Farmaajo iyo Maamulka Somaliland.

Fahad Yaasiin ayaa doonaya haddii Itoobiya ku guuleysato dhexdhexaadinta Somaliland iyo dowlada Somalia in sidoo kale ay dardar geliso xal u helida khilaafka hareeyey Imaaraadka iyo dowlada Madaxweyne Farmaajo.Sida qorshuhu yahay haddii Itoobiya ay qorshahaas aqbasho Raisul Wasaare Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Addis ababa u duulaya maalmaha soo socda si heshiiskaas loo dhameystiro.

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale, saraakiisha Itoobiya ee uu kulamada hoose la leeyahay kala hadlaya iney joojiyaan gacan saarka ay la leeyihiin Madaxda dowlad goboleedyada uu khilaafku kala dhexeeyo, sida Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Cabdiwali Gaas oo xiriir dhow la leh dhinaca Itoobiya.

Qodobkan dambe ayaa la aaminsan yahay ineysan Itoobiya aqbali doonin maadaama Madaxda dowlad goboleedyada aanu soo sheegnay ay iyada geed fadhi u yihiin, kuna fushato danaheeda ku wajahan degaanada Soomaalida, maadaama dowlada dhexe awoodeeda aysan dhaafsiisneyn Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Ma cadda sababta uu Fahad Yaasiin Itoobiya uga dhiganayo furayaasha khilaafyada ku xeeran dowladda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo Balse waxaa la sugayaa natiijooyinka ka soo baxa madaxda Itoobiya.

Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa la rumeysan yahay inuu yahay hogaamiyahaa ruuxiga ah ee dowlada Madaxweyne Farmaajo isla markaana saameyn badan ku leeyahay jiheynta siyaasada dowlada xiligan Somalia ka jirta

Abdirahman Xuseen Mamaan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -