(Akhriso) AFRICOM oo War ka soo saartay duqeyn Al-shabaab lagula beegsaday Jilib

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa faahfaahin kooban looga bixiyey  duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan laba maalmood ka hor laga fuliyay Jilib oo ah xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ku leedahay Koonfurta Somalia

“AFRICOM oo kaashaneysa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya 20-kii Maajo, 2023,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM.

Laguma sheegin War-saxaafadeedka goobaha rasmiga ah ee duqeynta lala beegsaday balse AFRICOM waxay sheegtay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay weerarkan.

Warbaahinta DF ayaa sheegtay in Weerarka lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah uuna geystay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -