DEG DEG: Duqeyn culus oo ka dhacday Jilib & Warar hordhac ah oo laga helayo

Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa caawa baahisay war sheegaya dqeymo culus oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe oo ah fariisinka ugu weyn Al-shabaab ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyey ciidamada xoogga dalka oo kaasahanaya kuwa saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka sida ay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee Sonna

“Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Khawaarijta Al Shabab” ayaa lagu yiri war ay baahisay wakaalada Sonna

“Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay” ayaa sidoo kale lagu yiri warka ay baahisay Sonna.

Wax faahfaahin lagama bixin goobaha la duqeeyey iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Degmada Jilib ayaa sanadahan dambe ahaa fariisinka ugu weyn Al-Shabaab ee koonfurta Somalia, waxaana degmadaas iyo dhulka howdka ah ee ku dhow ku sugan inta badan hogaamiyeyaasha sare ee kooxdaas oo halkaas ka soo abaabula weerarada ka dhaca qeybaha kale ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -