Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada kawada shirar shaki badan abuuray !

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada shirar xiligan shaki badan abuuray uu la yeelanayo saraakiil ciidan, waxgarad iyo siyaasiyiin.

Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo uu la qaadanayay saraakiil ciidan oo kasoo jeeda beesha Hawiye gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan Farmaajo kasoo horjeeday horeyna uga mid ahaa saraakiishii Badbaado Qaran ee kahor timid mudo kororsigii uu damacsanaa.

Sida aan wararka ku helnay Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay saraakiil dhoor ah oo kasoo jeeda Beesha Hawiye uu ku jiro Saadaq Joon , waxaana wararku sheegayaan in saraakiishan Farmaajo ka dalbaday in ay la shaqeeyaan isagoo balan qaadyo u sameeyay

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la kulmay waxgarad kasoo jeeda beesha Hawiye iyo siyaasiyiin kuwaa uu ka dalbaday in ay taageeraan ayna ka shaqeeyaan sidii uu talada dalka kusii joogi lahaa.

Shirarkan uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay saraakiisha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Hawiye ayaa abuuray shaki badan , waxaana dadka qaar shaki ka qabaan in Farmaajo damacsan yahay in mar kale sameeyo mudo kororsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeenayaa in uusan rabin in dalka doorasho ku dhacdo uuna wado qorshe uu mar kale mudo kororsi ku sameenayo, waxa uuna Farmaajo kala fur fur ugu jiraa saraakiisha uu ka cabsi qabo in ay kahor yimaadaan damaciisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -