War xaqiijinaya guusha Madaxweyne Erdogan oo ka soo kordhay doorashada Turkiga

Musharaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga ATA Sinan Ogan ayaa ku dhawaaqay inuu taageeray  Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga AKP Recep Tayyip Erdogan wareega labaad ee doorashada Madaxtinimada ee la qabanayo aakhirka bishan.

“Waxaan ka dalbanayaa codbixiyeyaashii noo codeeyay inay sidoo kale taageeraan Mudane Recep Tayyip Erdogan,” ayuu yiri Ogan.

Mr. Sinan Ogan oo hadal ka jeediyay magaalada Ankara ayaa sheegay in door wax ku ool ah ay ka qaateen doorashada iyagoo helay 5.2 boqolkiiba codadka wareegii koowaad.

“Waxaan jabinay xaaladdii muhiimka ahayd ee lagu abuuray xisbiga HDP, waxaan ka dhignay wadaniyiinta Turkiga, waxaan ka qayb qaadanay in ay muuqato doorasho xoogan oo wadani ah oo ka dhacda Turkiga, waxaan ka dhignay musharaxiintii u soo baxday wareega labaad inay ku dheganaadaan hadalkeena.”

“Arrinta magangelyo doonka ee Turkiga waa arrin laga yaabo inay mustaqbalka dalkeenna ku yeelato kharashyo amni, dhaqaale iyo mid bulsho. sidoo kale Arrinta dhul-gariirku waa arrin deg-deg ah oo ku saabsan amniga qaranka, qoraalkayaga Wasaaradda Masiibooyinka oo aanu muddo dheer soo jeedinay, weli waa mid cusub” ayuu yiri Mr.Sinan Ogan.

taageerada Mr.Sinan Ogan ee Madaxweyne Erdogan, ayaa guul u horseedi karta Erdogan oo dhibco yar ku waayey guusha wareeggii koowaad ee doorashada oo mar kale la filayo in lagu celiyo 28ka bishan May.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -