Allbanaadir.com
NEWS

Feysal Cali Waraabe oo ka hadlay geerida wiil uu dhalay oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee dalka Siiriya

Eng. Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, ayaa sheegay in dabayaaqadii bishii Disembar ee sanadkii dhamaaday 2017 lagu diley dalka Suuriya wiil uu dhalay.

Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa Suuriya tegey sanadkii 2013-kii, ka dib markii la duufsaday oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu sheegay aabihiis.

Waxa uu ku dhashay Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe oo ku noolaa wadanka Finland.

“Xuseen waxaa la joogtey Siiriya xaaskiisa oo Finland ka raacday, iyada ayaana soo xaqiijisay inuu ku dhintay weerarro dhinaca cirka ah oo loo geystay goob uu ku sugnaa” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Waxaa uu intaas ku daray in wiilkiisa iyo xaaska uu qabay ay labo gabdhood ugu dhasheen dalka Siiriya oo uu xusay iney joogeen muddo shan sano gaareysa.

Waxaa uu intaas ku daray in baasaboorkii Finland ee ay heysteen labadooda lagala noqday maadaama ay ku biireen sida uu yiri Kooxo argagaxiso ah, wuxuuna xusay in dowlada Finland ay ku wargeliyeen geerida wiilkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Adan Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray dalka..

Caydiid Ali

Xamse Barre oo weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiin mucaarad ah

Cabdi Cade

Jabuuti oo diiwaangelisay dadkii ugu badnaa ee maalin kaliya laga helay COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---