Shirkii Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo ka furmay Magaalada Kismaayo

Madaxda Maamul gobaleedyada ka jira dalka ayaa goor dhow waxaa uu shir uga furmay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose, iyadoo shirkana uu yahay mid aad xasaasi ah.

Waxaa ka qeyb galaya Hogaamiyaasha  Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed,  Hirshabelle iyo hogaamiyaha martida loo yahay ee Jubbaland.

Qodobada ugu waaweyn ee shirkan looga hadkayo ayaa waxaa ka mid ah khilaafka ka dhexeeya dowlad goboleedyada qaarkood iyo dowlada dhexe ee  ku saleysan fulin la’aanta dhinaca dowlada ee heshiisyadii horey loo wada gaaray.

Waxaa sidoo kale, shirkan looga hadli doonaa qodobo kale oo ay ka mid yihiin qeybsiga kheyraadka, dib u dhiska ciidanka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Shalay ayaa waxaa la filayay inuu magaalada Kismaayo ka furmo Shirka Madaxda maamul gobaleedyada hase yeeshee shirkaasi ayaa baaqday sababo farsamo awgeed.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa goob-joog ahaan uga galaya shirkan oo aysan jirin masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo ka qeyb galaya.

Waxaa haatan socda khudbadaha masuuliyiinta ka qeyb galaysa shirkan ee ka socda dowlad goboleedyada, waxaana wararkeena dambe idibnkugu soo tebin doonaa wixii ka soo kordha insha allaah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -